Wuxuu sheegay Xudeyfa Binu Yamaaani -Allaha ka raali ahaado isaga iyo aabihiye- inuu Nabiga nabad iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee- inuu raacay, oo Nabigu scw uu damcay inuu kaadsho, wuxuuna galay qashin qub reerood, waana meesha lagu tuuro qashinka iyo ciida laga soo xaaqo guryaha, wuuna ku kaadshay isagoo taagan, dhaqankiisuna sida badan wuxuu ahaa inuu fadhiga ku kaadsho. Xudayfa wuu ka dheeraaday Nabiga scw, markaasaa Rasuulka-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuuna ku yiri: soo dhawow, wuuna u soo dhawaaday ilaa uu istaagay gadaashiisa oo ciribtiisa agteeda ah, si uu ugu noqdo sida sutrada oo kale. Ka dibna wuu wayso qaatay Rasuulku -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- markii la gaaray lugaha dhaqidooda wuxuu ku gaabsaday masixida khufkiisa waana wax la gashado lugta oo ah sida maqaar jilicsan iyo wixii la mida waana inuu asturo qoobka uusana siibin.