Abii Muusa Alashcari-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Rasuulka-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate- ayaa la weydiiyey ninka u dagaalama geesinimo, kan ku dagaalama qabyaalad iyo kan ku dagaalama is tustus, keebee dar Ilaahay dagaalkiisu ahaanayaa? wuxuu yiri Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-: "midka u dagaalama si ay kalimada Ilaahay kor u ahaato ayaa dar Ilaahay u dagaalamay." Xadiis Saxiix ah - Xadiis la isku waafaqay
explain-icon

Sharaxaad

Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate- waxaa la weydiiyey sida ay isu khilaafsan yihiin ujeedooyinka dadka dagaalamaya, ninka u dagaalamaya geesinino ama qabyaalad, iyo kan uu ka yahay dagaalku si loo arko meesha uu bulshada ka joogo iyo wixii la mida, keebaa jidka Ilaahay ku dagaalamay? Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-: wuxuu u sheegay midka dar Ilaahay u dagaalamay waa kan ku dagaalamay si kalimada Ilaahay kor u ahaato.

explain-icon

fawaed

  • Camalka wanaagiisa iyo xumaantiisu waxay ku xiran tahay niyada iyo in Ilaahay loo khaalis yeelo camalka.
  • Markuu yahay ujeedka jihaadku saraynta diinta Ilaahay, haday ku soo darsanto ujeedo kale sida in qaniimo la helo, taasi ma dhibayso asalka niyada.
  • Wadanka oo laga difaaco cadawga iyo xurumaatka muslimiinta, waxay ka mid tahay dar Ilaahay oo loo laga dagaalamo.
  • Fadliga ku soo arooray jihaadka wuxuu gaar u yahay midka u dagaalamaya inay diinta Ilaahay kor ahaato.