Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay axkaamta shareecadu inay seddex tahay: qayb laga aamusay, qayb la iska reebay iyo qayb la is faray. Mida 1aad: waa qaybta sharcigu ka aamusay: wax xugun ah malaha, shay walbana asalkiisu waajib maaha. Waqtigii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxaa waajib ahayd in la iska daayo waydiinta waxaan dhicin iyadoo laga baqaayey inay soo dagto waajibinteedu ama xaaraanimadeedu, Ilaahay wuxuu uga tagay isago u naxariisanaya adoomada. Nabigu markuu dhintay ka dibse haday su'aashu tahay qaab fatwo ah ama barasho ku saabsan dadku waxay u baahan yihiin oo diinta ah way banaan tahay su'aashaasi, waliba waa la is faray, hadiise ay tahay qaab cinaad iyo iskalifid ah waa mida uu xadiisku reebey, waayo waxay keeni kartaa wixii ku dhacay reer benii Israa'iil (yuhuudda), markii la amray inay sac gawracaan, hadii ay sac uun gawracaan kuwo amarkii fuliyey ayey noqon lahaayeen, laakiin way isku adkeeyeen iyagana waa lagu adkeeyey. midka 2aad: waa nawaahida: waana camalka laga ajarsiiyo qofkii iska daaya, laguna ciqaabo qofkii sameeya camalkaas, waxaana waajib ah in laga fogaado dhamaantood. midka 3aad: waa awaamirta: waana camalka laga ajarsiinaayo qofkii sameeya, laguna ciqaabayo qofkii iska daaya, waxaana waajib ah in la sameeyo intii laga awoodo.