explain-icon

Sharaxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku habaaray in Ilaahay naxariistiisa ka dheereeyo kan laaluushka bixiya, kan qaata, iyo kan u kala qaada. Ariinkaa waxaa la mid ah waxa la siiyo gar-soorayaasha si ay cadaalada uga leexdaan xukunka ay faraha ku hayaan, taasoo kan dhiibaya laaluushku uu ku helayo muraadkiisa si aan xaq ahayn.

explain-icon

fawaed

  • Waxaa xaaraan ah, bixinta laaluushka, qaadashadiisa, kan dilaalkiisa, u gar-gaarkiisa, waayo wuxuu soo galayaa isku kaalmaynta baadilka.
  • Laaluushku waa dambiyada waa wayn, waayo Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee wuu lacnaday Qofka qaata iyo kan bixiyaba.
  • Laaluushku marka la joogo gar soorka iyo xukunka waa dulmiga iyo dambiga ugu wayn, waxa ku jira dulmi iyo in lagu xukumo wax uusan Ilaahay soo dajin.
explain-icon

dheeraad/kordhin