Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee wuxuu cadeeyey- in qofka dadka ku haga, tusa, oo ku booriya wanaaga iyo kheyrka hadal iyo ficil kuu doonaba ha ahaadee, inuu helayo ajar la mida ajarka dadka kheyrka ku raaca uu helayo, iyadoon waxba laga dhimayn ajarkooda Qofkase dadka ku haga ee tusa dariiqa baadilka iyo shar danbigi iyo gaf ku jiraan ama arin aan banaanayn, hadal iyo ficil kuu doonaba ha ahaadee, wuxuu helayaa dambiga ay yeelanayaan dadka xumaanta ku raacay, iyagoo aan laga nusqaamin dambiyadooda waxba.