explain-icon

Sharaxaad

Waxuu caddeeyey nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wax kasta oo caqliga Aadamaha ka kexeeya inuu yahay khamri maskaxda dooniya ha ahaado cabitaan ama wax la cuno, ama sanka halaga neef jeedo e ama si'aan sidaa aheyn halo isticmaale, wax kasta oo maanka dooriya oo caqliga ka kexeeya ogaalka dhabta ah xaqiiqdi Ilaahay kor ahaaye wuu reebey oo waa xaraan, yaraantiisa iyo badnaantiisa. Qofkasta oo wax ka caba noocyada maan dooriyaha, oo joogteeya cabidiisa, ee aan ka towbo keenin ilaa uu ka dhinto wuxuu mutaysanayaa ciqaabta Ilaahay, waana laga xarimayaa inuu Janada ku cabo.

explain-icon

Benefits from the Hadith

  • Cillada ama sababta loo xarimay khamriga waa sakhraanimada, nooc walba oo uu yahay maan dooriyuhu waa xaaraan.
  • Ilaahay sareeye wuxuu u xarimay khamriga, waxa ka ladhanaaya ee dhibaato iyo fasahaad wayn ah.
  • Khamriga Janada lagu cabaayo waa macaanka nicmada Ilaahay oo taam ah.
  • Qofka aan Naftiisa Aduunka iska ilaalin cabida khamriga Ilaahay wuu ka xarimayaa inuu Janada ku cabo, abaal gudkuna wuxuu noqdaa kolba camalka la falay noociisa.
  • waxaa la isku boorinayaa in loo deg-dego ka towbo keenka dambiyada geerida ka hor.
explain-icon

dheeraad/kordhin