Cumar Binu Khaddaab wuxuu sheeegay in malakul Jibriil nabadi korkiisa ha ahaate wuu ugu yimid asaxaabta isagoo u eg nin aanay garanayn, sifooyinkiisana waxaa ka mida in dharkiisu aad u cadaa, timihiisuna aad u madoobayeen, wax raad safar ahina aanu ka muuqan, sida daal, boor, timo basaas iyo dhar wasakha, dadka meesha joogna aanay aqoon, oo Nabiga scw ay la fadhiyaan, wuxuu soo fariistay Nabiga scw hortiisa, sidii qof wax baranaya oo kale, wuxuu waydiiyey Islaamka, wuxuuna ugu jawaabay Nabigu scw Arkaantaas ka kooban qirada labada shahaado, ilaalinta salaaddaha shanta ah, sakada oo la siiyo kuwa xaq u leh, soonka bisha ramadaan, gudashada xajka qofkii awooda.
Wuxuu yiri ninkii su'aasha waydiiyey Nabiga scw: "run baad sheegtay ", way la yaabeen asaxaabtu su'aashiisa la moodo inuusan aqoon lahayn sida muuqata, ka dibna uu u rumaynaayo.
Ka dib wuxuu waydiiyey iimaanka, Nabigu scw wuxuu ugu jawaabay: arkaanta lixda ah ee ka kooban iimaanka jiritaanka Ilaahay, sifooyinkiisa, ficilkiisa oo uu kali la yahay sida abuurada, cibaadadiisa oo uu kali la yahay, iyo malaa'igta uu Ilaahay nuur ka abuuray oR ay yihiin adoomo Ilaahay maamuusay oo aan Ilaahay ku caasin, oo amarkiisa ku shaqeeya, iyo iimaanka kutubta Ilaahay ku soo dajiyey rusushiisa, sida Qur'aanka, Tawreed, Injiil, iyo qayrkood, iyo Rususha gaarsiinaysa Ilaahay diintiisa, waxaa ka mida Nuux, Ibraahiim, Muuse, Ciise, waxaa u danbeeyey Maxamad scw, iyo Nabiyo iyo rusul kale, iyo rumaynta maalinta qiyaamaha, waxaana soo galaya waxa geerida ka dambeeya ee ah qabriga iyo nolosha barsakha, iyo in dadka la soo saari doono geerida ka dib, lana xisaabin doono, oo uu ku dambayn doono Janada ama Naarta, iyo rumaynta inuu Ilaahay qadaray wax kasta sida Ilaahay cilmigiisa ku horaysay oo ay keenayso xikmadiisu iyo qoridiisu oo isagu doonay, iyo in wax walba u dhici doonaan sida Ilaahay u qadaray oo uu u abuuray. Ka dib wuxuu waydiiyey ixsaanka, wuxuu u sheegay: inuu ixsaanku yahay qofka oo u caabuda Ilaahay sida inuu u jeedo, hadii qofka iimaankiisu uusan darajadaas gaarin ha u caabudo sidii in Ilaahay eegaayo, waayo waxaa horeeya darajada eegista ah oo saraysa, tan kalena waa darajada muraaqabada.
Ka dib wuxuu waydiiyey saacadu waa goorma? Nabigu scw wuxuu u cadeeyey in saacada ogaanteedu ay ka mid tahay waxa Ilaahay kaligi og yahay oo cid khalqiga ka midihi aysan ogayn kan la waydiiyey iyo kan waydiinayaba ma oga.
Ka dib wuxuu waydiiyey calaamadaha saacada? wuxuuna cadeeyey Nabigu scw inay calaamadaha saacada ka mid tahay badashada dumarka adoomada ah iyo caruurtooda, ama curuurta oo hooyadood caasi ku noqda, waxayna ula dhaqmaan sida adoomada, iyo kuwa ari raaca ah iyo kuwa saboolka ah waxaa loo waasicin aduunyada, aakhiru samaanka, markaas ayey iskugu faanayaan qurxinta guryaha iyo dhisidooda.
Ka dib wuxuu Nabigu scw wuxuu u sheegay intii la fadhiday oo Cumar ka mid ahaa inuu kan su'aalaha la yimid ahaa Malaku Jibriil oo u yimid inuu asaxaabta diintaan xaniifka ah baro.