explain-icon

Sharaxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay inuu ka soo bixi doono Ummaddiisa aakhiru samaanka dad beenta sameeya, oo dadka u sheega wax cid uga horaysay oo sheegtay ayna jirin, kuwaa soo been aan jirin u sheegi doona dadka, Nabiguna nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ina faray inaan kuwaa ka fogaano, oo aynaan la fariisan dhagaysana warkooda, si aysan warkoodaa beenta ahi inoogu yeelan saamayn aynu iska dayn kariwayno.

explain-icon

fawaed

  • Xadiiska waxaa ku jira calaamad ka mid ah calaamadaha nabinimada, oo Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, isagu ka sheegay waxa ka dhici doona Ummaddisa, siduu sheegayna noqday.
  • Waa in laga fogaado kuwa beenta ka sheegaya Rasuulkeena iyo Diinta Islaamkaba oo aan la dhagaysan beentooda.
  • Waxaa laga digayaa in la iska qaato xadiiska ama la faafiyo in la hubiyo inuu sax yahay oo sugan yahay mooyee.