Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-Camaar Binu Yaasir ayuu u diray inuu u safro hawlo Nabiga scw u gaara, waxaa ku yimid Janaabo oo jimaac ku timid ama biyaha shahwada oo ka yimid, biyo uu ku qubaystana ma helin, Ma uusan aqoon xugunka in Janaabada laga booraysto, wuxuuse yaqaanay xugunka in laga booraysto Xadaska yar, wuu ijtihaaday waxayna la noqotay sida xubnaha waysada loogu masaxo ciida marka xadaxka yar uu jiro, in jinaabadana ciida la wada gaarsiinayo jirka, isagoo uga qiyaas qaadanaya biyaha, sidaa darteed wuxuu ku gal-gashay carada oo wada gaarsiiyey jirka, wuuna tukaday, Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-, markuu yimid ayuu u sheegay arinkaa, si uu u ogaado inuu saxan yahay iyo in kale? Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuu u cadeeyey qaabka looga dahaara qaato labada xadas kan yar sida kaadida, iyo midka wayn sida janaabada: waana inuu hal mar ku dhifto gacmihiisa dhulka, oo ku masaxaa gacantiisa bidix tiisa midig, iyo labadiisa calaa-calood korkooda iyo wajiga.