explain-icon

Sharaxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay inaanu jirin Shay cibaadada ka mid ah ee Ilaahay agtiisa ka fadli badan ducada, waayo waxaa ku jira ducada in la citiraafo Ilaahay inuu qani yahay Isagaa nusqaan ka hufane, waxa kaloo ku jira ducada in la citiraafo in Adoonku tabar yar yahay oo uu Ilaahay u baahan yahay.

explain-icon

fawaed

  • Fadliga ducada iyo in Qofka Ilaahay barya uu wayneeyey, ee uu qiray inuu qani yahay isagaa xumaan ka hufane waayo faqiir lama baryo, wuxuu qiray inuu Samiic yahay waayo Dhagool lama baryo, Kariimna yahay waayo Bakhiil lama baryo oo uu Raxiim yahay waayo Qabiid lama baryo, Qaadirna yahay waayo Daciif lama baryo oo uu dhaw yahay waayo mid fog kuma maqlayo iyo Sifaadka kale ee Ilaahay Waynaantiisa iyo Quruxdiisa ku Saabsan isagaa xumaan ka nasahane.
explain-icon

dheeraad/kordhin