waxuu caddeeyey nabigu-naxariis iyo nabadi korkiiye- inuu qofku ka.shabbaho saaxiibkii xagga hab dhaqankiisa iyo caadooyinkiisa, oo waliba ay saamayso saaxiib nimadu akhlaaqda,hab dhaqanka, sidaa tarteed ayuu ku boorriyey ummaddiisa xulashada saaxiibka fiican,waayo waxuu tusaa saaxiibkii iimaanka iyo hanoonka, hiil xagga khayrka ahna wuu u.ahaadaa saaxiibkii.