explain-icon

Sharaxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ahaa mid badiya ducada ducooyinka kulmisa, waxaana ka mida: ''Allahayow, Rabiyow Adduunka nagu sii khayr, Aakhirana nagu sii khayr, cadaabta Nartana naga dheeree'', Ducadaasi waxay koobaysaa xasanada Adduunka ee ah risiq wanaagsan oo waasic ah, xaas wanaagsan, ubad indhuhu ku qabawsadaan, raaxo iyo cilmi wax tar leh, camal saalix ah, iyo wixii la mida ee wax yaabaha wanaagsan ee la jecel yahay ah ee mubaaxa ah, xasanada Aakhirana wuu kaga badbaadayaa ciqaabta Qabriga, iyo marka la taagan yahay Maxsharka, iyo inuu helo Raali ahaanta Ilaahay, kuna guulaysito nicmada joogtada ah, iyo Rabiga Raxiimka ah u dhawaantiisa.

explain-icon

fawaed

  • Waxaa Suno ah in lagu ducaysto ducada kulmisa ducooyinka , iyadoo looga dayanaayo Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee.
  • Waxaa ugu kaamilsan in Qofku ducadiisa ku kulmiyo khayrka Aduunyada iyo khayrka Aakhiraba.