Qays Binu Caasim ayaa Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee u yimid isagoo inuu islaamo raba, wuxuuna Nabigu scw ku amray inuu ku soo qubaysto biyo iyo geedka gobka, waayo caleenta gobka waxaa loo adeegsadaa nadaafada, waayo udgoon ayuu leeyahay.