Cabdullaahi bn Mascuud-Allaha ka raali ahaade inuu Nabigu scw baray khudbatul-xaajada, waana khudbada lagu furo hadalka khudbadaha, iyo ka hor khudbad walba oo ay dan leeyihiin, iyo khud badaha kalaba sida nikaaxa, khudbada jumcada, iyo kuwa kaleba. khudbadani waxay koobaysaa umuuro waawayn, oo ay ka mid tahay in Ilaahay xaq u leeyahay noocyada xamdiga oo dhan, iyo gargaarka oo Isaga keligii la waydiisto loona shariig yeelin, iyo Isagoo la waydiisto asturka dambiyada iyo dhaafi taankoodaba, iyo Isagoo sharka laga hoos galo, sharka nafta iyo shar oo dhan. Nabigu scw ka dib wuxuu sheegay inuu hanuunku Ilaahay gacantiisa kujiro, qofka uu hanuuniyana cid lumin kartaa aanay jirin, midka uu lumiyana cid hanuun siin kartaa aanu helayn. Ka dib wuxuu sheegay ashahaadada tawxiidka oo ah inaanu jirin mid xaq lagu caabudo oo aan Allaha ahayn, iyo qiritaanka Nabinimada Nabi Maxamad iyo inuu yahay adoonka Ilaahay iyo Rasuulkiisa. wuxuuna ku khatimay khudba aayadahan saddexda ah, kuwaasoo ka kooban Ilaah ka cabsi, iyo fulinta amarada Ilaahay, iyo kafogaan shaha waxa uu reebay, iyadoo Ilaahay wajigiisa lagu doonayo, cida wanaagaa samaysana waxaa abaal marin looga dhigayaa camalkiisa, hadalkiisa, oo wanaagsanaada, iyo dambigiisa oo loo dhaafo, nolol wanaagsan oo aduunka ah iyo inuu helo liibaan wayn oo jano ah maalinta qiyaamaha.